U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa Goordhaw Kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaannada kala ah Buurweyn iyo Show oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo masuuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta u sheegay in qabashada labadaan deegaan ee hoostaga degmada Jalalaqsi ay tahay guul weyn.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay howgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada koonfurta iyo barta Soomaaliya ay kordheen toddobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo ay ka socdaan Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.