U bood dhigaalka

Guddigii Loo Xilsaaray Dagaal Beeleedyada Luuq Xalintooda oo War Soo Saaray

War kasoo baxay Guddiga sida gaarka ah loogu xilsaaray xal u helista Dagaal beeleed dhawaan ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dalbaday in marka hore la helo Xabbad-joojin ka dhaqangasha labada dhinac.

Xubnaha Guddiga si uu arrintaan oo fure u ah xalka rasmiga ah ee dagaallada dhacay waxa uu la kulmay Duubabka Dhaqanka labada dhinac in marka hore la helo damaanad buuxda oo muujineysa in xabadda labada dhan xal laga gaaray.

Qorshaha oo ah in Ciidamada la diyaaariyay in la kala dhex dhigo si ay u xoojiyaan xabbad-joojintas kaddib ayay labada duub dhaqameed kawada hadlayaan sidii looga xaajoon lahaa waxa sababay dirirta & xalka dhabta ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed oo xubin ka ah Guddigaan ayaa ugu horreyn soo jeediyay in la raaco qodobada sida ay u kala horreeyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii sare loogu qaadi lahaa nabad buuxda oo ay helaan shacab degmada Luuq.

Wasiirka ayaa xusay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonta korjoogteynta labada dhinac.