U bood dhigaalka

Noloshooda Ayaan Ku Xushay Caruurta Ceykaan ah

Markii aad marayso jidadka waaweyn ee magaalada ama aad ku sugantahay goobaha ay dadku ku badanyihiin waxaad arkaysaa carruur yar yar oo koonbada caseeya wata, islamarkaana ku oranaya” kabaha ma kuu hagaajiyaa?”.

Sidoo kale waxaa kaa soo hor baxaya qaar kale oo lows iyo waxyaabo kale garabka ku sita ama gacanta ku wada, ayagoo kun shillin iyo wax ka sii yar ku iibinaya, haddana la lugaynaya oo magaalada gees iyo gees ku wareejinaya, qof kasta u soo bandhigaya si uu uga gato.

Carruurta caynkaas ah markii aad muuqaalkooda eegto waxaa kaaga muuqanaya dacdarro iyo diin ay nafaqa darrada iyo nolosha adagi badeen, sidoo kale waxaad ku arkaysaa arad kabo la’aan iyo dhar xumo isugu jira oo ay intooda badani ka simanyihiin.

Adigu degdeg ayaad ku dhaaftaa oo inta badan waxba kama iibsatid, il naxariis lehna kuma eegtid, balse ma is weydiisay cidda ay yihiin iyo ujeedada ay ka leeyihiin alaabaha yar yar oo ay maalintii oo dhan wareejintooda ku xiiqayaan.

Anigaa ku barayee intooda badan waa agoon iyo kuwo qoysas danyar ah oo barakacayaal ah ka dhashay, islamarkaana dadaal ugu jira maareynta noloshooda aas-aasiga ah oo ay cuntada iyo biyuhu ugu horreeyaan, kuwaas oo haddii ay waayaan ay u dhiman karaan, cid kaloo bilaash ku siinaysaahina Alle ka sokow aysan jirin.

Kama fakaraan waxbarashado, dhar qurxoon, caafimaad wanaagsan, iyo wixii lamid ah, balse maskaxdooda waxaa culays igu filan ka welwelidda wixii ay caawo ku cashayn lahaayeen, ama berito ay ku quraacan lahaayeen, wax intaas dhaafsiisanna heliddoodu uma fududa, rajo weyna kama qabaan.

Habeenkii waxay ku buushash cooshada ka sameysan oo aan dhaxanta iyo dhumacda qorraxda midna si feecan uga celin karin, xilliyada roobkana nolol iyo geeri labada way Fishaan, maxaa yeelay gabaad ay ka galaan ma haystaan, daadadku inay qaadaanna way u nugulyihiin.

Cuntadoodu waa hal waqti ama laba xilli oo cariiri ah, waxyaabaha nafaqada iyo duxda lehna ma awoodaane mushaari, soor, gallay, iyo caloolay ay kawaanleyaashu iskoood u neceen ama ay lacag yar ku xaraashayaan ayaa quud maalinle ah u ah badankooda.

Waa run oo dalka wax bay ku leeyihiin, in wax loo qabto oo la daryeelo, si lamid ah carruurta kalena ay adeegyo waxbarasho, kuwo caafimaad, iyo guud ahaan kaabeyaasha nolosha helaanna way mudanyihiin, balse lama oga xilliga ay heli doonaan.

Si caadiga ah dalka 100-kii sano fac ama jiil ayaa iska hel dhammaantoodna way u simanyihiin waxyaabaha danta guud ah, kheyraadka iyo hantida dowladdana way wada leeyihiin, mana jirto qof marti ah oo laga xigo adeegyada iyo waxqabadka maamul ee ay canshuurta iyo iskaashiga dadweynuhu u dub dhexaadka u yihiin.

Madaxda dalka ayaa sidoo kale hoggaan u wada u ah ayni walba, islamarkaana waxay masuul ka yihiin, una dhaarteen bedqabkooda iyo daryeelkooda, sidoo kale dastuurka ayaa qeexaya xaqa ay dhammaan muwaadiniintu dalka ku leeyihiin iyo waajibaadka ayaga qudhooda saaran.

Haddaba danyartu daryeel iyo damqasho ayay mudanyihiin, mana jiro qorshe qaran oo ka muhiimsan u adeegidda bulshada iyo maareynta baahiyahooda intii la awoodo.