U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Deegaanno Ka Tirsan Bariga Galgaduud

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaarey aagga Deegaannada Waniile iyo Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidanka iyo kooxda Alshabaab.

Janaraal Dayax ayaa Ciidanka iyo Saraakiisha ku sugan aaggan ku ammaanay sida ay ugu dhabar adaygeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, wuxuuna ku dhiirigeliyay inay sii wadaan gulufka Ciidan ee halkaas ka socda.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo howlgallada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku wadaan ayaa kordhay todobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo ay ka socdaan Jubaland, koonfur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug.