U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Dowladda Federalka iyo Dhinaca Galmudug oo Gaaray Cabudwaaq

Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Mudane Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud,waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wefdigan ayaa waxgaradka deegaanka kala hadli doona hubkii dhowaan u gacan galay qaar kamida dadweynaha magaaladaas, kaas oo la doonayo in dowladda lagu soo wareejiyo si aan colaadaha gobolka ka taagan loogu adeegsan.

Hubka ayaa la sheegay in markiisii hore laga keenay dhinaca dalka Itoobiya, balse illaa hadda lama caddayn cidda rasmiga ah uu u socday iyo ujeedada laga lahaa ee dalka loo soo galiyay, xilli dowladda iyo maamulka Galmudug ay siyaabo kale duwan uga hadleen.