U bood dhigaalka

Howlgal Lagu Dilay Xubno Shabaab ah oo Laga Fuliyay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 39-aad ee guutada 5-aad ee qeybta 27-aad iyo ururka 10-aad ee Kumaandooska gorgor oo kaashanaya dadka degaanka ayaa howlgal ka fuliyay deegaanno ka tirsan howdka Murcudka ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu iska hor imaad ku dhex maray dagalamayaal Alshabaab ah.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen howlgalkaas iyo dagaalkii halkaas ku dhex maray xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, waxayna dileen ilaa 15 dagaalame oo kamida kooxda sida uu baahiyay Raadiyaha ku hadla Afka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay ciidanku howlgalkaas ku soo furteen hub iyo saanad ciidan, waxayna arrintaani ku soo beegmaysaa xilli gulufka militari ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab uu kordhay bilihii la soo dhaafay.