U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Jubbaland oo Soo Bandhigay Hub iyo Meydadka Xubno Ka Tirsan Shabaab

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar Ururka Al Shabaab ay saaka ku qaadeen Saldhigyada Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanada Harboole iyo Buula Xaaji, halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan.

Deegaanadaan ayaa hoos tagga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa halkaasi ka howlgalla Ciidanka Jubbaland iyo xoogga dalka.

Taliska Ciidanka Jubbaland ayaa soo bandhigay, Meydadka xubno ka tirsanaa Shabaab iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa sidoo kale Shabaab looga qabsaday gaadiid dagaal halka kuwo kalena looga gubay.

Taliska ayaa sheegay in weerarka ay sii ogaayeen Ciidanka Jubbaland in maanta lagu xasuuqey xubnihii weerarka soo qaaday. Waxaa sidoo kale jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidanka Jubbaland.

Ciidanka ayaa wali sii wadda dabagalka kooxdii weerarka soo qaaday.

Deegaanada weerarka ka dhacay ayaa waxaa dhawaan shabaab kala wareegay ciidanka Jubbaland iyo xoogga dalka.