U bood dhigaalka

Jeneral Bashiir Goobe oo Kusoo Baxay Doorashada Kursiga HOPE 18 ee Golaha Shacabka

Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac oo hadda ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay xubin kamida Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Gen. Bashiir ayaa ku soo baxay kursiga HOPE 18 oo horey u bannaanaa, islamarkaana deegaan doorashadiisu ay tahay Galmudug, islamarkaana ay horey isaga casishay Sahro Colaad Cabdi oo ku fadhin jirtay.

General Bashiir Goobbe ayaa ah ninka derajo ahaan ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, wuxuuna horey u soo qabtay xilal uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.