U bood dhigaalka

Howlgal Lagu Dilay Xubno Shabaab ah oo Laga Fuliyay Deeganno Dhaca Gobolka Bakool

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab, ciidanka ayaa muddooyinkaan dambe howlgal sameynayay Koonfur Galbeed.

Deegaanka Abagbeeday oo qayaastii 20-km u jirta, dhanka berina kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo xubno ka tirsan Alshabaab waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47, sida ay sheegtay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida afkooda ku hadashaahi.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, waxayna si isku mid ah uga socdaan deegaannada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.