U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo Soo Qabtay Ibraahim Ciyoow oo u Gafay Sheekh Cismaan Xidig

Ciidanka Nabad-gelyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay wadaadka lagu magacaabo Ibraahim Ciyoow oo maalmo ka hor sheegay hadallo dad badan ka caraysiiyay oo ka dhan ahaa kutubo uu qoray AUN caalimkii weynaa ee Shiikh Cusmaan Xiddig .

Ibraahim Ciyoow ayaa laga soo qabtay sida wararku ay sheegayaan meel u dhow masjidka Salaama oo u dhaxeeya degmooyinka Hodan & Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Wadaadkan ayaa billowgii todobaadkan bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku durayo Shiikh Cismaan Xiddig, asagoo sheegay inuu ahaa nin khuraafaadka dhiirigeliya oo qabuuraha in la caabudo difaaci jirey, islamarkaana kutubtii uu qoray ay waxyaabo gaalnimo ahi ka buuxaan.