U bood dhigaalka

Booliska Koonfur Afrika oo Xabsiga u Taxaabay 95 Qof oo Liibiyaan ah Kadib Markii Laga Shakiyay

Booliska Koonfur Afrika ayaa xabsiga u taxaabay 95 qof oo u dhashay dalka Liibiya, kadib howlgal lagu tuhmayo in ay ku qaadeen xero ciidan oo qarsoodi ah Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in ay baarayaan in saldhigyo kale oo sharci darro ah ay ku leeyihiin gudaha dalka.

Afhayeenka booliska qaranka Athlenda Mathe ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ee X ku sheegtay in dadka Liibiyaanka ah ay sheegeen in ay dalka ku soo galeen fiisayaal waxbarasho si ay ugu tababaraan ilaalo ahaan, balse baaritaanada booliska ayaa sheegaya in ay heleen tababar buuxo oo ciidan.

Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya goobta laga soo qab-qabtay dadkan oo u eh xero ciidan oo ay ka samaysan yihiin cooshado waaweyn oo cagaaran oo xiriir ah. Tobaneeyo nin ayaa la arkayay oo safaf galay markii la qabanayay. Waxay xidhnaayeen dhar rayid ah, marka ay soo galayeen gacanta ciidanka Booliiska.

Sarkaal ka tirsan dowladda hoose oo lagu magacaabo Jackie Macie ayaa sheegay in baaritaanada ay socdaan, isla markaana su’aalo la weydiin doono milkiilaha beerta. Waxa uu sheegay in maamulku uu helay xog ku saabsan in ay jiraan xeryo qarsoodi ah oo la mid ah oo ku yaalla gobolka Mpumalanga oo qarsoon.

“95-ta qof ee la xiray waxay dhamaantood u dhasheen Liibiya, waxaana hadda su’aalo weydiinaya mas’uuliyiinta ay khuseyso,” ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka Mpumalanga Maj. Gen. Zeph Mkhwanazi ku yiri hadal uu soo saaray xabsiga raggaan u dhashay Liibiya ee ciidanku qabtay.

Wadanka Koonfur Afrika oo kamid ah dalalka G20 ayaa waxaa u soo shaqo tago ajaanib fara badan, laakiin qorshaha dadkaan Liibiyaanka ah ayaa noqday mid halis marka loo eego dadka kale oo u badan dad ganacsiyo kale duwan ku leh gudaha dalkaasi, dowladda ayaa qatar amni ku tilmaantay.