U bood dhigaalka

Magaalada Paris oo Laga Daahfuray Meertada Olombikada Adduunka iyo Weerarro Ka Dhacay Furitaanka

Magaalada Paris ee caasimadda dalka France ayaa waxaa si rasmi uga furmay, ciyaaraha Olimbikada Adduunka ee sannadkan 2024-ka, xafladda furitaanka Olombikada ayaa dalka martida loo yahay u soo bandhigaysa fursad uu adduunka kaga yaabiyo bandhig cajiib ah xilli roobab ay ka curteen Paris.

Ciyaarahan ayaa ah meerto afarti sanabada mar dhacda, furitaanka xafladda waxaa aad u hadheeyey roobab ka da’ay magaalada iyo weliba weeraro xidhiidh ah oo lala beegsaday khadadka tareenada ee magaalada Paris, dowladda ayaa weerarrada ku tilmaamtay carqaladeyn loo geysanayo Olombikiska.

Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan waxyaabaha ka dambeeyay weerarradii dhacay qadadka ay isticmaalaan Tareennada, waxaana loogu baaqay in feeljignaan dheeri ay ay galaan laamaha amniga, iyadoo laga cabsi qabo weerarro horo o dhici kara inta ay socoto ciyaarta Olombikada Adduunka 2024.

Kooxda kubbadda cagta maamulka Israa’iil ayaa lagu arkay xafladda furitaanka, taas oo keentay in aad loogu dhaleeceeyo qabanqaabiyeyaasha iyo hey’adda ciyaaraha maamusha inaan laga ganaaxin xilli la ogyahay waxa ka socda Gaza oo ay ku dhinteen 39,000 oo qof aan waxba galabsan oo shacab ah.

Dadka dalbanaya mamnuucista ayaa sheegaya in Israa’iil, oo Koonfur Afrika ay ku eedeysay xasuuqa ay ka geysatay Gaza maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, ay tahay inay wajahdo cawaaqibka ka dhalan kara falkeeda, waxaana loogu baaqay in gabi ahaan laga saaro ciyaaraha caalamiga ee dhacaya.

Magaalada Paric ayaa shumaceeda kasii shidnaan doonaa ciyaarta Olombikada adduunka ilaa bisha soo aadan ee August, waxaana jira cabsida ah in magaalada ay ka dhici karaan weerarro dheeraad ah oo lamida kuwii xafladda furitaanka ah, waxaana inta badan heegan la galiyay ciidanka keydka France.