U bood dhigaalka

Maxaa Ka Dhalan Kara Ismaandhaafka Culimada Kadib Geeridii Sheekh Cismaan Xidig?

Kadib geeridii Caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig waxaa baraha bulshada si xoog leh u qabsaday hadallo adag iyo eedaymo ay hawada isku marinayaan culumada Salafka iyo kuwa Suufiyada, iyo dadka kala taageersan aragtiyaha labada dhinac.

Arrintan ayaa ka billaabatay wadaad lagu magacaabo Ibraahim Ciyow bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku durayo Shiikha geeriyooday, asagoo ku tilmaamay nin waxyaabo gaalnimo ah oo ay qabuuraha in la caabudo iyo khuraafaadku ku jiraan difaaci jirey, islamarkaana kutubkii uu qoray aysan wax faa’iido ah lahayn.

Hadalkaas oo dad badan ka caraysiiyay ayaa abuuray kala qeybsanaan bulsho oo xoog leh, taasoo keentay in culumo waaweyn oo labada aragtiyood kala aaminsani ay khudbadaha masaajidka isku weeraraan, booliskuna ay saacado kooban xireen Ibraahim Ciyoow, ka dibna sii daayeen.

Dadweyne caraysan oo laba dhinac kala taageersan ayaa ayaguna billaabay inay qoloba qolada kale Aflagaaddo iyo dhaliilo culus ku halgaaddo, ayagoo wadaada qaar difaacaya, qaar kalena si ba’an u duraya, taas keentay in xittaa culumo sano dheer mootani ay xabaalihii ku nabad-gali waayaan oo cambaarayn iyo canaan radin ah laga dul dhaco.

Sidoo wadaada qaar oo khodbadihii jimcaha jimcaha arrintan cinwaan uga dhigay ayaa xaaladda uga sii daray oo eedeymo kulul huwiyay dhinaca ka soo horjeeda, taas oo keentay in carada arrintan ka dhalatay ay sii xogaysato, laguna tilmaami karo kicin bulsho oo halis nabad-galyo abuuri karta.

HADDABA ARRINTA MAXAA KA DHALLAN KARA, SIDEE BAA’SE LOO QABOOJIN KARAA?

ugu horreyn culumada waxaa la gudboon inay ka fogaadaan wixii bulshada iska hor keeni kara oo kala qeybsanaan abuuri kara, islamarkaana ay dadweynaha raacsan ku wacyi-geliyaan in waxa laysku maan-dhaafsanyahay ay koobanyihiin, ayna danta ummadda iyo waxa ka dhexeeyaahi ka ballaaranyihiin.
Sidoo kale in ay Masuuliyad iska saaraan una meel dayaan hadallada ay dadweynaha u gudbinayaan ayaa habboon, ayagoo maanka ku haya dhibaatada laga dhaxlo iska horkeenidda bulshada oo kamid yihiin abuurmidda aragtiyo xagjir ah oo kuwa maanta dalku la daalaacayo ka sii daran.

Dhanka dowladda waxaa la gudboon inay la timaado qorshe qaran oo la xariira aragtidaha iyo manhajka lagu barbaarinayo carruurta Soomaaliyeed, islamarkaana ay culumada kula xisaabtanto waxyaabaha bulshada kala fogayn kara iyo fasir diimeedka nabad-galyada guud wax u dhimaya.