U bood dhigaalka

NUXURKA SHIRKII QURBOJOOGTA SOOMAALIYEED EE DOXA, QATAR 22-24 JUULAY 2024.

Shirkii Qurbojoogta Soomaaliyeed, ee ujeedadiisu ahayd Jihaynta Awooda Qurbajoogta Soomaaliyeed, dhacayna 22-24 Juulaay 2024, ayaa ahaa midkii ugu horreeyay oo caynkiisa oo kale ah ayna qabato dowladda Soomaaliyeed. Haddaba maadaama aan ka mid ahaa dadkii lagu martiqaaday in ay qayb ka noqdaan ayaan jeclaystay in aan bulshada Soomaaliyeed la wadaago sida ay wax u dhaceen.

Olalaha qabsoomidda shirkan oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyeed, xaafiiskeeda Qurbojoogtu ka soo shaqeynayeen tan iyo bishii labaad ee sannadkan, ayaa waxa ay ku guuleysteen hirgalintiisa 22-24 Juulaay. Inta ay ku guda jireen hawshaas, waliba markii ay soo baxday shaacinta in shir noocaan ah dhici doono, ayaa waxaa laga dhinac bilaabay olale lagu hagardaameynayay shirka. Tani waxa ay shaki galisay dadkii waxtarka ahaa ee u madlanaa shirkan, wallow inbadan ay fahmi karayn sida wax u jiraan. Sababta aan u xusayo taas ayaa ah in markii horeba jireen dad aysan u muuqan wax wanaag ah in shirkaas yeelan doono, ayagoo indhaha ay wax ku eegayaan ay u muuqdaan kuwo dan ayan ugu jirin iskuday walba oo Soomaali looga hinjinayo halka ay taal. Si walba ha ahaatee qabanqaabiyayaashii shirku waxay ku guuleysteen in tiro gaarta 300, oo qof ay madal iskugu keenaan. Dadkan oo u badnaa aqoonyahan, dad u dhaqdhaqaaqa Soomaalida Qurbaha, Culummo, Xildhibaano Gole deegaano Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, Ganacsato iyo Dhallinyaro.

Waxyaabaha qabanqaabiyayaasha shirkan ku mudnaayeen in lagu ammaano ayaa ah qaabka ay u xuleen dadka ka soo qaybgalayay shirkan, kaas oo ahaa mid hufan oo Soomaali u dhammeyd, si weynna qolo walba iskaga dhex muuqatay; haddey ahaan lahayd Dhallinyaro iyo Waayeel, Rag iyo Dumar, Qurbojoog iyo Qaranjoog ka soo kala jeeday 18-ka Gobal ee dalka.

Intaas haddaan uga gudbo arar guud, aan hadda u gudoggalo waxa rasmiga ahaa ee shirkani ujeedadiisu ahayd, loogana dooday iyo nuxurku halka uu saldhigtay.

UJEEDKA SHIRKA:

Sidii looga faa’iidaysan lahaa awoodda qurbojoogta Soomaaliyeed si loo helo Soomaaliya wanaagsan oo barwaaqo ah.

Qodobbada la dul istaagay muddadaas saddexda cisho ah:

MAALINTA 1aad:

1. Ka faa’iidaysiga awoodda qurbojoogta Soomaaliyeed
2.  Doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ka qaadan karaan
3.  Dardargelinta Waxbarashada iyo Teknolojiyada
4.  Kaalinta Diinta iyo Dhaqanka.

MAALINTA 2aad:

  1. Doorka qurbajoogta ee dhismaha qaranka.
  2. Dhisidda iskaashiyo istiraatijiyadeed ee qurbajoogta Soomaaliya.

MAALINTA 3aad:

  1. Ka qaybqaadashada qurbajoogta Soomaaliyeed ee is-dhexgalka adduunka ah.
  2. Qatar iyo Soomaaliya: iskaashiyo istiraatijiyadeed iyo mustaqbal barwaaqo horseeda.
  3. Ka faa’iidaysiga caqliga iyo hanti-abuurka qurbajoogta Soomaaliyeed ee horumarinta qaranka.
  4. U adeegidda qurbajoogta Soomaaliyeed.
  5. Safiirrada Samafalayaasha Caalamiga ah.

Ibraahim Guure, oo ahaa Agaasimaha Xaafiiska Qurbojoogta Soomaaliyeed ayaa ereygii ugu horeeyay ee hordhaca shirka iyo qorshuhu sida uu u socon doono noogu furay kulanka. Waxaa ku xigay oo nagu soo dhaweeyay shirka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar, Mudane Dr Maxamed Shiikh Ali “Doodishe”, oo runtii dadaalka iyo kaalintuu ka geystay shirkan ay ka muuqatay goobta, asagoo si hufan ugu soo dhaweeyay ergadii iyo madaxdii dalka iyo dalkii martida loo ahaa ee Qatar, oo uu Wasiir goobta uga sugnaa. Waxaa ku xigsaday Wasiir Dowlihii Qatar, Soltan bin Saad, oo uu ku xigsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, intaas ka gadaal ayaa waxaa qaatay qudbaddii shirka R/Wasaaraha Soomaaliya Mudane: Xamse Cabdi Barre, ujeedada shirkan iyo muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya, asagoo naawilay in wax wanaagsan ka soo bixi karaan. Waxuu caddeeyay sida ay ugu baahan yihiin qurbojoogta iyo in ay door muuqda ku yeeshaan dib u dhiska dalka.

Intaas ka gadaal ayaa waxaa furmay shirkii qurbojoogta, oo sidii qorshahu ahaaba loo kala saaray qaybo kala duwan. Qayb walba waxaa hoggaan u ahaa aqoonyahanno ku takhasusay masalada loo xilsaarayay. Waxay ka doodayeen aragtiyo kala duwan iyo fikrado lakala xulanayay middii mudan. Hawshaas oo saddexda maalmoodba la dhiraandhirinayay.

Fikrado iyo talooyin wax ku ool ah ayaa dhinac walba ka soo burqanayay. Mararka qaar waxaa imaanaysay in dhaliilo la iswaydaarsado, kuwaas oo dhammaan ku aadanaa isa sixid, ee aan ahayn faro isku fiiq. Ma jirin wax dowladdu wadatay oo ay si gaar ah ay u rabtay in ay ergada ugu yeeriso. Wax walba waxa ay ahaayeen wax daah furan ergaduna u xilsaarnayd wax ka dhaheeda.

Tayada ergada ayaa ahayd mid runtii mudan in lagu ammaano ciddii soo xushay. Sida dhallintii aqoonyahanka ahayd ee ka yarayd 30-ka sano, ee goobta sida weyn uga muuqatay, kuwaas oo wiilal iyo gabdhabo lahaa.

NUXURKA TALOOYINKII QURBOJOOGTA:

  • Dajinta sharciyaddii lagu dhaqi lahaa qurbojoogta
  • Aasaasidda hay’ad dhammeystiran ee qurbojoogta
  • Helidda tirokoob sax ah ee qurbojoogta adduunka ku filiqsan
  • Sanduuqa tabarucaadka qurbojoogta Soomaaliyeed
  • Xoojinta dhaqanka, diinta iyo farshaxanka
  • Xoojinta barnaamijyo u gaar ah dhallinyarada qurbojoogta
  • Maalgashiga qurbojoogta dalkooda
  • Iskuxirka iyo mideynta xiriirka qurbojoogta iyo in ay u wada istaagaan sidii waddamada ay ku nool yihiin kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen hadday ahaan lahayd siyaasad, dhaqaale iyo arrimaha bulshadaba.

Talooyinkaas ayaa in ka mid ah waxaa hoosta laga xariiqay si ay u fulaan in dowladda looga baahan yahay dhowr qodobbadan in ay la timmaado si ay u hirgalaan:

  • Sugidda amniga waddanka. Qodobkan ayay qurbojoogtu xustay in haddii ayan dowladdu ku guuleysan ay adkaan karto in talooyinka qaar ka mid aha aan la gaari karin.
  • Musuqmaasuqa ayay sidoo kale ku sheegeen in uu noqon karo mid xagal daaciya dadaal walba oo ummadi hore ugu socon lahayd.
  • Caddaaladda iyo xaquuqda muwaadiniinta ayay sheegeen in lagama maarmaan tahay, si loo helo bulsho ka runsheegta dowladnimada.

Dhaliilo Ma Jireen?

Ummad walba oo u istaagta hawl waxaa cad in dhaliilo u yeelan karaan hawshaas ku cusub. Balse haddaan si guud u fiirsho dhaliilihii shirkan ma ahayn kuwo aan sidaas u sii xusi karo, marka aan eego baaxadda ay la ekayd hawsha meesha taal. Tan ugu yar haddaan xuso ergadii shirka ka qaybgaleysay in ka dhow boqol ayaa tigidhadii loo diray dib loo badalay, kaddib markii goobihii duulimaadka ay baddaleen markii waqtiga la gaaray sida uu xusay Wasiir Fqi, tan oo i soo xasuusisay maanso uu lahaa Abwaan SINGUB;

“Garab rarato yahay baas
Goormaad dageysaan”

Tani waxa ay muujinaysaa sida bulshada soomaaliyeed u kala firiqsan tahay, ninna uusan qiyaasi karin berri halka uu ku sugnaan doono. Waxaa runtii mudan in loo mahadcesho xubnihii dowladda matalayay ee shirkaan qaybta ka ahaa, kuwaas oo aan saacadna ka maqnayn shirka. Wasiiradan oo dhammaa ilaa iyo shan, Labo Wasiir, Labo Wasiir Dowlo iyo Wasiir ku xigeen ayaa ahaa kuwo markay ugu yartahay 6 saac goobta ku sugnaayeen. Halka qaar kalen sida Wasiir Cali Balcad, Xirsi Gaani iyo Wasiir ku xigeen Gaadiidka Axmed Jaamac iyo Safiirka Dr. Maxamed Shiikh Cali “Doodishe” 12 saac goobta ku sugnaayeen ayaga oo furid ilaa iyo xiridda shirka goobjoog u ahaa.

SI XUN WAX U SHEEG SIXIR WAA KA DARAN YAHAY

Sidaan horeba u xusay waxaa mar walba jiray guux shirka ayada oo aan la ogayn waxa uu yahayba lagu xagal daacinayay. Markuu qabsoomayna meeshii laga hadli lahaa guulihiisa doodii laga dhigtay hebal iyo hebal. Tani waxay ku tuseysaa in kooxaha ka baacmushtara warxumo tashiilka iyo sida ay marwalba ugu heelan yihiin in ay majaro habaabiyaan danaha iyo fursadaha bulshada Soomaaliyeed  horemorkoodu ku jiro, tanaana daliil u ah.

Si ay mar walba uga macaashaan waxa ay abuuraan kalatagga bulshada ayagoo isku tusaya in ay difaacayaan hebal, hebalna ka soo horjeedaan. Halka ay isla subixii xigayna aad arkeysid ayaga oo dhinaca kale taagan. Waxaa jirtay hees uu qaadi jiray Cabdalle Yuusuf Hanuuniye, oo ahayd;

Adiguna garaadlaay
Noqotaye gaddeedii
Hasha labada geel jecel
Midna gaariweydoo
kolba gees u carartaa
Labo gebi dhexdoodbaa
Waraabuhu ku gowracaa.

Dadka madaxda iyo siyaasiyiinta waxaa looga baahan yahay in xiraan daaqadaha ay u furan kooxahan isku sidkan bulshadana u tusa in ay kala duwan yihiin.

Gunaanad:

Shirkii Doxa, Qatar, waxa uu ahaa bilow fiican oo horseed u noqon kara jid dheer oo u bilaabma sidii qurbojoogtu qayb muuqda uga noqon lahaayeen dib-u-dhiska dalka, ayaga oo aan cidna uga marti ahayn. Dowladda iyo xubnihii agaasimayay shirkaas iyo waddanka martida loo ahaaba waa ay ku mudan yihiin doorkii waxtarka ahaa ee ay qaateen.

F.G, Waa wixii aan goobjooga u ahaa, intii aan qaybta ka ahaa shirkaas, doorkeyguna ahaa Xiriiriyahay Doorka Dhaqanka iyo Farshaxanku ku yeelan karo Jihaynta Qurbojoogta Soomaaliyeed.