U bood dhigaalka

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Heshiiska Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkigu ay Wadagaleen

Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah in ciidamo badda ah loo diro Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagu sugayo ammaanka xeebaha Soomaaliya, ciidankaan ayaa joogaya Soomaaliya muddo laba sano ah oo ka howlgalayaan.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan labada dowladood ay wada galeen heshiis ku aadan amniga oo muddo 10 sano ah soconaya, waxaana howlgalkaas uu yahay mid sidoo kale lagu wado in lagu dhiso ciidanka badda Soomaaliya oo dhowaan tabarro  kale duwan uga furmayaan Muqdisho.

Soojeedintaan  ayaa muujinaysa  in tan iyo 2009-kii ay ciidamada Turkigu si firfircoon u taageerayaan dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda, dhaca hubeysan iyo argagixisada badda ee gacanka cadmeed, xeebaha Soomaaliya oo muddo ay ka dhacayaan weerarro beegsasi ah.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay inay tani ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Türkiye, kaas oo socon doono muddo 10 sano ah sida ku xusaneyd nuqulka heshiiska.

“Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ooh adlay.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya waxaa ay ku leedahay Saldhigga Milatari ee ugu weyn dal ay ku yeelato, waxaana lagu tababaraa ciidanka Soomaaliya waxaana sanad walba kasoo baxa daraasiin ciidan ah, kuwaas oo qeyb ah xoogga dalka qeybihiisa kale duwan xilli muddo uu socdo heshiisku

Community Verified icon