U bood dhigaalka

Kuma Ahaa Duuliyihii Diyaaradda Soomaali Airline ee Geeriyoooday?

Allaha u naxariistee Waxaa la xaqiijiyay geerida Axmed Cilmi Guure oo kamida ahaa duuliyaashii diyaaraddii Somali Airlines, sidoo kalena ahaa rugcaddaa saxaafadeed oo in muddo ah ku soo dhex jirey qalabka warbaahinta, isagoo Aas-aasay shabakadda Hiiraan Online, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey qaar kamida madaxda dowladda iyo ururrada warfidiyeenka.

Axmed ayaa Waxa uu ku dhashay Degmada Jalaqsi ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1956, wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Beledweyne ee magaala madaxda u ah gobolkaas, ka dibna wuxuu u soo wareegay Muqdisho oo uu ku qaaday waxbarashadiisa sare.

Duuliye Axmed ayaa tababar sare oo dhanka diyaaradaha ah ku soo qaatay xarunta caanka ah ee Lufthansa Aviation Training Centre oo ku taal magaalada Bremen ee dalka Jarmalka, ka dibna wuxuu ku soo laabtay Soomaaliya, asagoo ka shaqo ka billaabay diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines.

Sanadkii 1991-kii diyaaraddiisu ay Muqdisho ka ambabaxday, kuna socaty Jabuuti ayaa la sheegay in lagu afduubtay hawada sare, balse asagoo xirfaddiisa iyo geesinimadiisa adeegsanaya ayuy Sida nabad-galyo ah diyaaraddii uga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee degmada Luuq, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay rakaabkii saarnaa.

Burburkii ka dib wuxuu muddo ku noolaa dalka Canada, wuxuuna kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii dowladnimada dalka, asagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii dalka soo maray, sidoo kalena qeyb libaax ka qaatay hormarinta warbaahinta, asagoo aas-aasay shabakadda Hiiraan Online.