U bood dhigaalka

Natiijo Nuucee ah Ayaa Laga Sugayaa Shirweynaha Culimada Soomalaiyeed ee Muqdisho Ka Socda?

Waxaa maalintii labaad magaala madaxda dalka ee Muqdisho ka socda Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ay ka qeyb-galayaan culumo waaweyn oo gobollada dalka iyo dunida dacalladeeda ka kala yimid.

Shirkan ayaa ah kii labaad tan iyo markii uu xukunka qabtay oo dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayadoo bishii koobaad ee sanadkii hore ku lamid ah lagu qabtay isla Muqdisho, islamarkaana laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka koobnaa.
HADDABA SHIRKAN MAXAA LAGA SUGAYAA?

dalka Soomaaliya wuxuu si feecan uga soo kabanayaa burburkii iyo dagaalladii sokeeye, ayadoo gobol walba iyo deegaan kasta hormar bulsho iyo mid maamul laga dareemayo, balse waxaa caqabad furdaaminteedu Soomaali iyo Ajanabiba culays ku noqatay oo ku dhawaad 20 sano taagan horseeday diinta oo si kale loo fasiray, ka dibna aragtiyo xagjir ahi ka dhasheen.

Aragtiyahaas guracan oo falal arxandarro ah u sii xuubsiibtay ayaa galaaftay nolosha kumanaan Soomaali iyo tiro Shiisheeye ah qaarkoodna danohooda kale watay, qaarna ay dadka iyo dowladda Soomaaliya taageero u fidinayeen, waxayna dhibaatadaasi safka hore uga jirtaa howkarka iyo halista ka jirta dalka.

Sida ay madaxda dalku tilmaameen dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku baraarugsan baaxadda dhibaatadaas ayaa go’aansatay in howgallada militariga lagu dhinac wado mid fakir ah oo ay culumada hormuud u yihiin, waxaana Shirweynaha looga baahanyahay inay ka soo baxaan qodobada Socdaahi.

1) In culumadu ay ayagu midoobaan oo waxyaabaha yar yaroo ay ku kala aragtida duwanyihiin ay meel iska dhigaan, maadaama diintu ay mid tahay, tiirarkeeda waaweyna aysan isku diidanayn ee ay waxyaabo kookooban oo sidaa u weynayn isku hayaan.

2) in la dardargeliyo dhismaha gole ay culumadu ku mideysanyihiin oo madaxbannaan, awoodna u leh inay fatwooyin kama dambays ah ka soo saaraan xaaladaha dalka, islamarkaana dowladda kala shaqeeya ka talo-bixinta wixii muran diimeed keeni karo.

3) dadka u nugul aragtida xagjirnimada ahi waxay aaminsanyihiin in hannaanka dalka lagu maamulo ay waxyaabo shareecada khilaafkasani ku jiraan, markaa waa inay culumada caddeeyaan inaan dastuurka dalka iyo manaahijta waxbarashada wax diinta ka hor imaanayaahi ku jiran, islamarkaana dicaayadda noocaas ahi ay wax kama jiraan tahay.

4) culumadu waa inay isku raacaan hal manhaj iyo aragti mideysan oo dadka Soomaaliyeed diinta loogu fasiro, carruurtana lagu barbaariyo, islamarkaana ay soo jeediyaan in mas’alooyinka iyo faham diimeedyada kala qeybsanaan bulsho iyo iska hor imaadyada keeni kara dalka laga mamnuuco.

Qodobadaas iyo qaar kale oo xeeldheereyaasha iyo dadweynaha Soomaaliyeed maankooda ka guuxaya ayaa Shirweynaha Culimada laga sugayaa, dowladdana waxaa la gudboon inay degdeg u dhaqan-geliso wixii ay culumadu soo saaraan.