U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Isbitaallada Muqdisho oo La Geeyay Dhaawacyadii Ugu Badnaa 2024

Isbitaallada Muqdisho waxaa maanta ka jira cariiri xad-dhaaf ah, ka dib markii la gaarsiiyay dhaawacda dadkii ku dhaawacmay qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay xeebta Liido, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 33 qof, halka dhaawacyaduna ay 64 kale kor u dhaafeen.

Ehelada dhaawacyada iyo dad baadiyoobaya maqaneyaal aan illaa hadda nolol iyo geeri midna lagu hayn ayaa isbitaallada ku xoomay foogtii hore ee saaka, waxaana jira walaac laga qabo in tirada khasaaraha gaar ahaan dhimashadu ay kordhi karto, balse maamullada goobaha caafimaadka qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay si wanaagsan ula tacaalayaan bukaannada ay gacanta ku hayaan.

Qayladhaanta Isbitaallada ka soo yeeraysa ayaa ah in loo baahanyahay gurmad dhiig shubid ah, ayadoo tiro dhaawacda kamida la sheegay inay dhiig la’aan u geeriyoodeen intii ambulance-ka lagu siday, halka kuwo kalena ay qalliin ku jiraan, islamarkaana dhiig degdeg ah u baahanyihiin, waxaana bulshada laga codsanayaa inay dhiigooda ugu deeqaan bukaanada.

Dhanka kale waxaa xabaalaha daafaha magaalada ku yaalla lagu aasayaa daraasiin dad ah oo 40 qof ku dhow, kuwaas oo lagu laayay qaraxa xilli ay jawi nasiino ah ku qaadanayeen xeebta liido ee degmada Cabdicasiis, waana dhimashadii ugu badnayd ee sanadahan dambe caasimadda ka dhacda.