U bood dhigaalka

DEG DEG: Howlgal Ka Dhacay Jubbada Hoose oo Xubno Shabaab Ka Tirsan Nolosha Lagu Qabtay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka oo ka kaashanaya Ciidanka Jubbaland ay ka fuliyeen Badhaadhe Howlgal qorsheysan.

Howlgalkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo Shabaab ka tirsan.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu qabtay Saddex xubnood oo ka tirsan Shabaab kuwaasoo loo soo qaaday Kismaayo iyagoo nool.

Ciidanka ayaa lagu waddaa in ay soo bandhigaan raggaan nolosha lagu qabtay.

Wali Saraakiisha faahfaahin kama bixin khasaaraha soo gaaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ee howlgalkaan Fuliyay.

Jubbaland ayaa dhawaan guul Ciidanka iyo kuwa dowladda ay kasoo hooyeen dagaal ka dhacay Jubbada Hoose halkaasi oo lagu dilay ku dhawaad 100 Shabaab markii ay soo weerareen Saldhigga Ciidanka.