U bood dhigaalka

Guddiga gurmadka ee qaran ee qaraxii xeebta liido oo sheegay inay lacago ku wareejiyeen qaar kamida dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Guddiga gurmadka qaran ee qarixii xeebta liido oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha samatabixinta ee lagu kaalmaynayo dadkii waxyeelladu ka soo gaarrtay musiibadii khasaaraha badan dhalisay ee 2-dii bishaan ka dhacday Huteelka Beach View.

Guddigan oo uu guddoomiyaha u yahay wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa Kulankooda diiradda ku saaray arrimo muhiim ah, ayagoo sheegay In ugu danbeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha isbitaal Madiina.

Guddigaan ayaa sidoo kale shaaciyay in 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ay ku wajeejiyeen min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale la bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaartay.

Ugu danbeyn Guddiga ayaa ballan-qaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadka weerarka ku naf-waayay, marka ay xogto soo dhammeystiranto.