U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo kordhiyay muddada ATMIS ay joogayaan Soomaaliya

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooby ayaa shalay galinkii dambe si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar qabyo ah oo oggolaanaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan fulinta howlaha loo igmaday ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan kulanka ka hadlay ka dib codeynta uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS-ka illaa bisha December 2024-ka si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka.”

“Waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS in ay sii wataan shaqadooda muhiimka ah. Dadaalkan wada shaqayneed waa mid muhiim ah innagoo ka shaqaynayna sidii aan ugu gudbi lahayn qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta,” ayuu safiirku ku yiri hadalkiisa.

Waxaa intaasi kusii daray “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, iskudubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ugu muhiimsan hannaankaan. Wadashaqeyn wax ku ool ah kaliya ma fududeyneyso in si badbaado leh oo habsami leh ay ciidamada nabad ilaalinta u baxaan, laakiin sidoo kale waxa ay yareeynaysaa carqaladaha ka dhalan kara inta lagu jiro marxaladan xasaasiga ah,”

Waxaa la filayaa in codeyntani ay noqoto markii u danbeeysay ee uu Golaha Ammaanku ansixiyo qaraar kordhinaya muddada ay ATMIS ka howlgaleyso Soomaaliya, iyadoo lagu wado in bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya uu la wareego howlgal cusub.

Qaraarka qabyada ah ayaa u oggolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay sii wadaan in ilaa 12,626 askari oo tuutaha ciidanka xiran oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ay sii wadaan howlaha nabad ilaalinta ATMIS illaa 31ka Diseembar. Waxaa kale oo warsaxaafadeedka looga codsaday Xoghayaha Guud in uu sii wado bixinta xirmada taageerada saadka iyadoo la sii marinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).