U bood dhigaalka

10 qof oo xukun dil ah lagu fuliyey Gaalkacyo

Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 qof ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dadkaan ayaa horey maxkamadda sare ee ciidamada ee Puntland ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay ka geysteen dilal magaalada Gaalkacyo.

Waxa ay dileen ragga maanta la toogtay inta badan dadkii muhiimka u ahaa bulshada magaalada Gaalkacyo.

Dilka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo Banaankeeda ayaa si wadajir ah waxaa u fuliyay Ciidanka kala duwan ee gobolka Mudug ka howlgalla.

Toogashadaan ayaa timid ka dib markii dhawaan xubno ka mid ahaa raggii dilka ku xukunnaa ay ka baxsadeen xabsiga Gaalkacyo hal mid oo ka mid ah ayay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa si deg deg ah u saxiixay toogashada raggaan si aysan xabsiga uga baxsan. In ka badan Sanad ayay ku jireen xabsiga iyagoo ku xukuman dil.