U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shir ku saabsan xasilinta deegaanada Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shir ku saabsan Xasillinta Deegaannada Hirshabelle oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkan oo ku saabsanaa sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa, loona qiimayn lahaa mashaariicda ka socota deegaannada Hirshabelle, ayaa lagu lafa-guray muhiimadda barnaamijka xasillinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqanka deegaannada laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warbixin ka siiyay Xukuumadda safarkii uu dhawaan ku soo maray inta badan degaannada Hirshabelle oo sida uu sheegay ahaa u-kuur-gelidda xaaladda dadka degaannada laga qabsaday Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa dhankiisa xusay in Xukuumaddu ahmiyad wayn siinayso sidii dadkaas u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.