U bood dhigaalka

Taliyaha Hay’adda NISA oo tagey goob ay ciidamadu Baabuur Qarax ah ku fashiliyeen.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo walxaha qarxa ku rarnaa, islamarkaana la sheegay inay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey gaariga qaraxa sida ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas.

Ka hortagga qaraxa ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidanka oo gaari ciidan oo cabdi-bilaha loo yaqaanno ah ku hor gooyay baabuurka qaraxa sida ka dibna ku naf waayay oo qaruxu galaaftay, kaas oo lagu tilmaamay geesi difaaca dadkiisa iyo dalkiisa u dhintay.