U bood dhigaalka

Maqaal: Waa maxay faa’iidada ay leedahay in Af-soomaaliga si wanaagsan loo bartaahi

Af-soomaaligu wuxuu xambaarsanyahay dhaqankeenii, sooyaalkeenii, suugaanteenii, Hiddeheenii iyo wax kastoo qeymo iyo abde inoo leh sidaa darteed waxaa lama huraan ah in aqoonta aas-aasigaa asaga loogu horaysiiyo oo qoristiisa quman, qaabka ugu habboon ee loogu dhawaaqo, iyo eray bixintiisaba yaraanta lagu baro carruurta.

Sidoo waa waxa koobaad ee kartida iyo aqoontada qofka  lagu qeymeeyo oo haddii uu Af toosan oo toolmoon ku hadlayo waxaa lagu tiriyaa ama loo tixgeliyaa inuu aqoon ahaan dhisanyahay, balse haddii uu qofku qoraal ahaan ama dhawaaq ahaan Afsoomaaliga qaab aan hagaagsanayn u adeegsado tayadiisa iyo tacliintiisa ayaa durbadiiba la duraa ama la dhaliilaa.

Tan kale sida loo kala hadal qurxoonyahay ayaa loo kala saamayn iyo soo jiidasho badanyahay, oo qofka aftahanka ah oo erayada, Naxwaha, hab-dhawaaqa, iyo dhismaha weerahaba aad ugu wanaagsan ayaa la jecelyahay oo ay dadku inta badan taageeraan, oraahyadiisana sidii waanada wadaadada ugu dheg raariciyaan.

Murtida kale oo ku duugan barashada Afka ayaa ah inuu ardayda wax-baranaysa u fududeeyo inay aqoonta kale si wacan u gartaan maxaa yeelay maaddo kasta oo loo dhigayo Afsoomaali ayaa loogu sharraxaa haddii aanay erayada qaar ee Afsoomaaliga aqoonna way adkaanaysaa inay nuxurka maadadaa fahmaan.

Qodob kale oo muhiim ah oo barashada Afsoomaaliga laga helayo ayaa ah inuu ka qeyb qaadan karo  yarayn ismaandhaafka iyo xurgufta, maxaa yeelay is qab-qabsiga iyo khilaafka bulshadu mararka qaar wuxuu ka yimaadaa qof erayo aanu jeclayn lagu yidhi oo xanaaqay, ama mid hadal aanu ku talo-gelin balse gef ah sheegay ka dibna ay qolo kale qoonsatay, sidaa darteed dadku hadday Afkooda si wanaagsan u yaqaanaan waxaa laga baaqsanayaa erayada xun xun iyo hadalada ay bulshadu ku kala irdhoobi karto oo maalin walba si barraad la’aanta iyo aqoon la’aanta ah loo yiraahdo ka dibna gacan-qaadku ka dhasho.