U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha qaranka oo kulan la yeeshay wefdi ka socda Midowga Yurub

Sheeko:War

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Gutaale, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub. Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay horumarada shaqo ee xafiiska, muhiimadda taageerada la-taliyayaasha farsamo, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha hantidhowr ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub u fidiyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyo sidii loo horumarin lahaa habraaca baarista lacagaha taageerada ee la marsiiyo Nidaamka Maareynta Maaliyadda Dalka (SFIMS), laguna maamulo khasnadda dhexe ee dowladda. Sidoo kale, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta joogtada ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud la leyahay Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Baarlamaanka, si loo xaqiijiyo dabagalka iyo fulinta talooyinka baarista hantidhowr ee Xafiisku horay u bixiyay.

Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu adkeynayaa xiriirka wada shaqeyn ee uu la leeyahay Dowlad Goboleedyada, si loo gaaro guulo wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta adeegyada dadweynaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka. Sidoo kale kulanka waxa looga hadlay horumarinta iyo taageerada Xafiisyada hantidhowr ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Kulanku waxa uu ku dhamaaday guul iyo isafgarad horseedaya wadashaqeyn joogta ah.