U bood dhigaalka

Diyaarad ay ku dhowaad 30 qof saarnaayeen oo lagu la’yahay bariga dalka Ruushka

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay saarnaayeen 22 qof oo u badan dalxiisayaal ayaa lagu waayay gacanka Kamchatka ee bariga fog ee Ruushka, sida ay masuuliyiinta dalkaasi sheegeen.

Guddoomiyaha gobolka Kamchatka,  Vladimir Solodov ayaa sheegay in ay lumiyeen isgaarsiinta diyaarad helicopter ah oo Mi-8 ah, taas oo ay saarnaayeen 22 qof oo 19 kamid ahi ay rakaab ahaayeen, halka saddexda kale ay shaqaale ah ahaayeen.

Kooxaha samatabbixinta oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa baadi goobaya diyaarada la la’yahay, iyaga oo diirada saaraya dhasheegga webiga oo diyaarada helicopter-ka ahi ay  dul maraysay markii ugu war dambaysay.

Ilo ka ag dhow ciidamada gurmadka deg dega ah ayaa wakaalada wararka dowlada ee TASS u sheegay in diyaarada helicopter-ka ah laga waayay raadaarka wax yar ka dib markii ay kacday, iyadoo shaqaaluhu aysan soo sheegin wax dhibaato ah.