U bood dhigaalka

4 qof oo tareen saarnaa oo lagu toogtay magaalada Chicago ee dalka Mareykanka

4 qof oo tareen saarnaa ayaa lagu toogtay magaalada Chicago ee dalka mareykanka, waxayna laamaha nabad-gelyadu sheegeen inay xabsiga u taxaabeen qof lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay weerarkaas.

Dadka la toogtay ayaa dhamaantood waxay ahaayeen rakaab saarnaa tareen sida uu sheegay ku xigeenka madaxa  booliska  magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee dalka mareykanka.

Baarayaasha ayaa  sheegay inay la shaqeynayaan Maamulka Gaadiidka Chicago si ay dib u eegaan muuqaallada kaamirooyinka ilaaladu ay duubeen ee ku saabsan toogashada, waxayna booliisku sheegeen in weerarka loo geystay laba tareen oo dad rakaab ahi ay saarnaayeen.

saddex ayaa ku socday hal baabuur iyo kan afraad mid kale.

Eedaysanaha falkan loo haysto ayaa xabsiga la dhigay wax yar ka dib markii ay  toogashadu dhacday, kaasoo baarayaashu ay rumeysan yihiin inuu weerarka ahaa md aan toos ahayn, balse ay arrimo kale salka ku haya.