U bood dhigaalka

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo Joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalka Eritrea

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay Isniintii inay hakisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay kana soo degi lahayd caasimadda Eritrea ee Asmara laga bilaabo Sebtember 3, iyadoo ku sababaysay xaalado shaqo oo adag.

Isku xirka hawada Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u soo laabtay bishii Luulyo 2018 ka dib 20 sano oo hakad ah, sababtoo ah colaado soo jireen ah oo u dhexeeya labada dal ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, bishii Luulyo, Ethiopian Airlines waxay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay X in Eritrea ay joojisay duulimaadyadeeda dalkeeda laga bilaabo Sebtembar 30, iyada oo aan la sheegin sabab.
Gelinkii dambe ee Isniinta shirkadda diyaaradaha ugu weyn Afrika ayaa ku sheegtay X in ay “ka xuntahay in ay ogeysiiso macaamiisheeda qiimaha leh ee u safraya/ka imaanaya Asmara in ay joojisay duulimaadyadeedii Asmara laga bilaabo Sebtembar 3.” Waxa ay sheegtay in hakinta ay tahay “xaalado shaqo oo aad u adag oo ay kala kulantay Eritrea oo ka baxsan awoodeeda,” iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Duulimaadyada tooska ah ee Asmara ee ka imaanaya Itoobiya wixii ka dambeeya Sebtembar 3 ayaa wali laga heli karaa bogga rasmiga ah ee diyaaradda Ethiopian Airlines. Dowladda Ereteriya oo go’doon diblumaasiyadeed aan ogolayn saxaafad madax bannaan, ayaan si cad uga hadlin go’aanka bishii July.

Goobjoog.com