U bood dhigaalka

Waa maxay halis ay wajahayaan ganacsatada aan ku jirin ceymisku?

Soomaaliya waxaa ku badan dabka suuqyada iyo goobaha ka ganacsiga qabsada, kaas oo sababa khasare hantiyeed oo baaxad leh, ayadoo ay suurta-gal tahay in ganacsato badani ay ku tacab beelaan.

Qof saacado ka hor maalqabeen ahaa ayuu dabku sababi karaa inuu daqiiqado yar sabool fara badan ku noqdo, taasina waa dhibaato si joogto ah uga dhacda magaalooyinka Soomaalida iyo meelo kala ee dunida kamid ah.

sidoo kale dhibaato kale oo waxyeello hantiyeed sababta ayaa qofka ama shirkadda qabsan karta sida dhac bank, markab degay, shil gaari, dhaqaalo xumo sicir barar ka dhalatay iyo wixii lamid ah.

Markii ay musiibo noocaas ahi dhacdo Soomaalidu waxay sameeyaan gurmad dadkii dabka ku hanti beelay loo samaynayo, balse gurmadkaasi kaalmo muuqda iyo kab dhaqaale oo weyn ma noqdo ee kaliya wuxuu ku koobanyahay dib u dhiska suuqa iyo wax lamid ah.

Haddaba dalalka caalamka waxaa ka jira hannaanka caymiska oo ah hab loogu talo-galay in haddii dhibaato dhacdo dadka waxyeelladu gaartay lagu garab istaago, islamarkaana kab looga dhigo.

Caymiskaasi wuxuu noqan karaa mid nafeed oo qof uu uga faa’iidaysan karo daryeelka caafimaadkiisa, horumarinta noloshiisa iyo aqoon kororsiga, sidoo kale wuxuu noqan karaa mid hantiyeed oo xilliga dhibaatooyinka dhaqaale dhacaan lagu badbaado.

Hannaankani waa mid muhiimad weyn u leh bulshada, waana qidmad ama lacag oo ay kooxi isku darsanayso, islamarkaana ay si joogto ah u aruursanayaan, kaas oo yaraynaya saamaynta uu khasaare kasta oo dhacaahi ku yeelan karo nolosha iyo dhaqaalaha qof kasta oo kamida kooxda ku mideysan.

Si kastaba ha ahaatee ku biirista caymisku waa badbaadada ganacsiga iyo horumarinta nolosha bulsho iyo mid qofeedba, balse Soomaalida inteeda badani ma fahamsana, balse waxay u badanyihiin hannaanka kale ee hagbadda ama ayuutada loo yaqaan oo kaliya loogu tala-galay in lacagta lagu aruursado si meerto ahna qofba mar u qaato.