U bood dhigaalka

Munaasabad lagu tartansiinayay hal-abuurayaal ganacsi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Munaasabad lagu tartansiinayay hal-abuureyaal ganacsi oo ay si wadajir ah u taabba-geliyeen hay’adaha World Vision, iyo WFP oo kaashanaya ururka shaqa-doon ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tartantan oo ciwaankiisu ahaa IGNITE food system innovation Challenge ayaa waxaa ka qeyb-galay hal-abuureyaal maxalli ah, kuwaas oo soo bandhigay xalka caqabadaha nidaamyada cuntada ee Soomaaliya iyo dhismeedka ganacsiyadooda.

Ka qeyb-galeyaasha tartanka oo 132 hal-abuure ayaa 12 kamid ah loo xushay ka qayb-galka aqoon iswaydaarsi heersare ah oo muddo laba maalmood ah socanaya, kuwaas oo soo bandhigi doona ganacsiyadooda, sidoo kale 10 shirkadood ayaa fursad u helay inay soo bandhigaan hannaankooda ganacsi, ayadoo 5 kamid ahi ay ku guuleysteen inay u gudbaan wareegga xiga ee tartanka.

Shirkadaha guuleystay waxay marin doonaan barnaamij kobcin saddex bilood ah, halkaas oo ay heli doonaan tababaro iyo la-talin si ay ugu tijaabiyaan xalalkooda, ula shaqeeyaan isticmaalayaasha ugu dambeeya, isla markaana ballaariyaan shabakadooda, waxaana kamid ah SomFarm Fresh, Raas Agribusiness, Greenlife Agribusiness Limited, Kaaliye Consulting, iyo Ruman.

Tartanka IGNITE wuxuu ujeedkiisu ahaa in la siiyo fursad hal-abuurayaasha maxalliga ah si ay u muujiyaan xalalkooda cusub, sidoo kalena wuxuu dhiirrigelin u yahay maalgashi iyo iskaashi cusub oo lagu xallinayo caqabadaha nidaamyada cuntada ee Soomaaliya.