U bood dhigaalka

Xaraf kamida shibbeneyaasha Af-soomaaliga oo Soomaalida qeymo gaara u leh

Ladnaanta iyo baraaraha qoyska markay tilmaamayaan waxay hal-beeg uga dhigaan laba astaamood oo kala ah carruur iyo caano, sidoo kale cuntada ugu wanaagsan oo ay dhuunyadaani waa cad iyo caano oo labadu “c” ka billaabma.

Waxay illaahay ka magan-galaan 4 waxyaabood oo kala ah: Colaad, cayr, Cudurro, iyo Ceeb, si taa la mid ah waxay ka cabsadaan caro Alle, cadaab, iyo cuquubo.

Qof kartidiisa ama waxtarkiisa kolkii ay dhaliilayaan waxay ku tilmaamaan, cuqdad, caajis, camal-xumo, caasinimo, iyo ciidan-xumo, sidoo kale waxay ku ammaanaan cod-karnimo, caaqilnimo,  iyo cudud furnaan.

 Waxay hellidooda ku dedaalaan labo waxyaabood “C” ka billaabma  oo kala ah: Caddaalad, iyo cilmi, dhulka ay xoolaha ku dhaqdaana waxay u qeybiyaan ceel iyo carshin.

Dhanka maamulka iyo madaxda markii aanu eegno 10 madaxweyne ee dalka soo martay 4 kamida magacyadoodu waxay ka billowdaan Xarafka “C”, waana Cabdirashiid Cali sharmaake, Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyo Cali mahdi Maxamed.

Sidoo kale 21-kii Raysulwasaare ee dalka soo hugaamiyay 11 kamida magacyadoodu waxay ka billaabmaan “C” waxayna kala yihiin: Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Cabdirashiid Cali sharmaake, Cabdirasaaq Xaaji xuseen, Cumar Carte Qaalib, Cali khaliif Galleydh, Cali Maxamed Geedi, Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Cali Gaas, Cabdi Faarax Shir-doon, Cabdiweli maxamed Cali, Cumar Cabdirashiid mar kale.