U bood dhigaalka

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo qorshaysan ka wada deegaanno dhaca koonfurta Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgallo qorsheysan ka wada deegaanno dhaca koonfurta Goblka Mudug.

Ciidamada ayaa howlgalka kula wareegay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo ku dhawaad 50KM u jirta dhinaca galbeedna kaga beegan degmada Xarardheere.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalladani uu qeyb ka yihiin qorshaha deegaanadaas looga saarayo kooxda Alshabaab.