U bood dhigaalka

Lix dhalinyaro ah oo Masaajid loogu dhex dilay aano qabiil

Sheeko:War

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Magaalada Wardheer Lix wiil oo dhallinyaro Xeroow ah ayaa lagu dilay Masaajid ku yaalla gudaha magaalada Wardheer ee caasimadda gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Xilliga dilka uu dhacayay Dhallinyaradaan ayaa salaadii subax ku jiray masjid dhexdiis oo kuyaala magaaladaasi.

Falkaan dilka ah ayaa la xiriira aanooyin qabiil oo sannadihii ugu danbeeyay kadhacay deegaano katirsan gobalka Doollo.

Xaaladda Magaalada Wardheer ayaa hadda kacsan. Ciidanka Liyuu Booliska ah ee ka howlgalla deegaanka ayaa bilaabay dadaallo ay rabaan in ay kusoo qabtaan kooxaha dilka ka geystay.

Bulshada magaalada ayaa ka argagaxay falkaan Naxdinta leh. waxa ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo.