U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga magaalada Xuddur ee gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo ka howlgasha gobolka Bakool ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Qeydar-Cadde oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada madaxda Gobolkaaas ee Xuddur.

Inta uu socday howlgalkan oo ka dhan ahaa kooxda Alshabaab ayaa sababay iska hor imaad uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira sida ay sheegtay warbaahinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysay ayaa soo bandhigay hubkii laga soo furtay iyo godadkii difaaca u ahaa kooxda Alshabaab ee deegaankaas ku sugnaa, waxayna tillaabadani qeyb ka tahay gulufka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda meelo badan oo dalka kamida.