U bood dhigaalka

DEG DEG: Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Bakool

Ciidammada Xoogga Dalka, guutada 9-aad qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanka Qeydar-Adde.

Deegaankaan ayaa 30 km waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur.

Howlgalka ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu burburiyo saldhigyada Shabaab ee deegaankaas.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka ayaa sheegey in qorshihii howlgalka lagu guuleystay, iyadoo khasaare xooggan loo geystay Shabaab, ayadoo dagaalku socday muddo kooban.

Ciidamada ayaa la wareegay saldhigii Shabaab, halkaas oo ay ka heleen agabyo muhiim ah oo tababarka iyo hawlgallada Shahaab lagu taageerayey.