Ugu yaraan 51 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay dalka Iran
Sheeko:Wararka Caalamka
Qarax ka dhacay goob dhuxuul dhagaxda laga qodo oo ku taal bariga dalka Iran ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 51 qof, halka tiro kalana y ku dhaawacmeen, sida uu ku waramay taleefishinka dowladdu.
Wararka intaas ku daraya in tiro badan oo kamida shaqaalihii goobtaas ka howl-gelayay in laga Cabsi qabo inay ku xayiran burburka qaraxa hoostiisa.
Qaraxa ayaa ka dhashay gaaska methane-ka ee kasoo daatay goob laga qodo dhuxusha oo ku taal magaalada Tabas, oo qiyaastii 540km u jirta, koonfur barina ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.