U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Benaadir oo xukun ku riday qoys Shabaab taageero Maaliyadeed siiyay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysnaa in ay maalgalinayeen kooxda Shabaab islamarkaana ay dhaqaalo ugu aruurinayeen akoono ay u sameeyeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Aabahaan reerka, labadii Xaas ee uu qabay iyo Gabadhiisa lagu helay dambiga taageerada Shabaab.

Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sano oo xariga ah iyo Labaatan Kun oo doollar.

Faadumo Xasan Cusmaan oo Gabadhiisa ah ayaa lagu xukumay laba Sano ah xabsi ah.

Xasno Aweys Qaasim oo aheyd Xaaskiisa ayaa lagu xukumay laba Sano oo xabsi.

Aamino Cabdullaahi ABBA Nuur ayaa lagu xukumay laba Sano.