U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen masuuliyiinta difaaca Soomaaliya iyo Azerbaijan?

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa  magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Jenaraal  Zakir Hasanov.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaalanka Kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah xasilloonida.

Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta cududdeeda ciidan iyo soo afjaridda dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, ayadoo heshiisyo iyo iskaashiyo militari la yeelanaysa dalalka dunida.