U bood dhigaalka

Ciidanka NISA oo gacanta ku soo dhigay koox la sheegay inay falal amni darro ah faraha kula jireen

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka  Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Kooxda Alshabaab ay soo diyaariyeen sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Magaalada Muqdisho oo bilahan xallisoonayd ayaa maalmo ka hor waxaa ka dhacay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu beegsaday goob aan xarunta madaxtooyada sidaa uga fogayn.