U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo sheegay inay dileen in ka badan 24 xubnood oo Alshabaab ka tirsan

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa Howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose ku diley in ka badan 24 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab sida ay sheegtay warbaahinta afka ciidamada qalabka sida ku hadashahi.

Deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ayey Ciidanku howlgalka ka fuliyeen, ayagoo si gaadmo ah uga dul dhacay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo ay ka dileen ugu yaraan 24 xubnood sida laga soo xigtay Saraakiisha.

Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xogta la xariirta howgalkan.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah gulufka ballaaran ee ay ciidamada Xoogga, kuwa Daraawiishta, iyo xoogagga deegaanku kula jiraan kooxda Alshabaab oo ku sugan meelo ka tirsan gobollada koonfurta iyo Bartamaha dalka.