Af-soomaaliga oo ah mid kamida afafka ugu ugu faca-weyn dunida, islamarkaana islamarkaana hodan ku ah erayo dhumuc leh, murti baaxad leh, iyo sarbeeb ashqaraar leh ayaa waxaa sanadahan dambe soo food saartay halis jiritaankiisa ka dhan ah.
Waxaa ku milmay boqolaal eray waxbarashada, teknoolajiyada iyo is xariifinta ilbaxnima-doonka ah uga dhex dusay, islamarkaana meesha ka saaray erayadii asalkooda Af-soomaaliga ahaa ee sida maalinlaha ah loo adeegsan jiray.
Tusaale erayada adeegsigoodu sii yaraanayo, lagana yaabo in sanadaha soo socda toos looga guuro waxaa kamid ah, walaal oo lagu badelay “brother”, Hooyo oo booskeeda la galiyay “mama”, si fudud oo laga doortay “easy”, maad leh ama shactaro ah oo lagu badelay” funny”, wada-hadal oo lagu doorsaday “call”, doob ama huru-bannaan oo lagu bara-bixiyay “Single” , xeer oo lagu badeli “law”, qoys oo booskiisii la galiyay “family” , iyo boqolaal kale oo adeegsigooda si ku talo-gal ah looga guurayo.




From the comments