U bood dhigaalka

Dagaalka marinka Qasa oo ay 1 sano u buuxsantahay iyo Israa’iil oo aan wax natiijo ah ka gaarin

7-dii Oktoobar sanadkii 2023 kooxda Xamaas ee reer Falastiin ayaa weerar cirka iyo dhulka ah oo dunida ka yaabsaday ku qaaday gudaha Israa’iil, waxaana dhacdadaas oo ku caan baxday duufaanta Aqsa ku geeriyooday in ka badan 1,200 qof oo Israa’iiliyiin ah, halka ku dhowaad 250 kalena maxaabiis ahaan loo watay.

Xamaas dhankeeda waxaa soo gaaray khasaare dhimasho oo ku dhow 1,500 oo qof, balse wuxuu weerarkaasi uga dhignaa mid ay guul taariikhi ah ka soo hooyeen, islamarkaana maamulka Israa’iil ay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen.

Maalmo ka dib Israa’iil oo taageero hagar la’aan ah ka helaysa dalalka reer galbeed oo Mareykanka iyo Ingiriisku ugu horreeyaan ayaa weerar dhulka ah iyo duqeymo cirka ah oo aan kala joogsi lahayn ku qaaday marinka Qasa.

Duullaankaas oo ilaa haatan socda waxay Israa’iil ku dishay in ka badan 4,2000 (42 kun) oo qof,  kuwaas  oo u badnaa dadka rayidka ah ee reer Falastiin, halka in ka badan 90,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, Israa’iil dhankeedana waxaa kaga geeriyooday boqolaal ciidan ah oo askar iyo saraakiil isugu jira.

Maanta oo ku beegan sanad buuxa  ka dib  waxaa muuqatay inaanay Israa’iil wax guul ah ka gaarin duullaankeedii marinka Qasa ee ay yoolkiisa ku sheegtay tirtista Xamaas, taas badelkeedana kooxaha iska caabinta Falastiin waxay samaynayaan laba-kaclayn xooggan.

Dhanka kale Maamulka Netanyahu oo ku guuldaraystay dagaalka marinka go’doonsan ee Qasa ayaa sanad ka dib weerar cirka iyo dhulka ah ka wada dalka Lubnaan, kaas oo bulshada caalamku ay indhaha ka daawanayso, reer galbeedkuna ay si hagar la’aan ah ugu taageersanyihiin.