U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab kala wareegay deegaano hoos yimaada Xarardheere

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa maanta howlgallo waaweyn ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgallada ayaa ka dhacay deegaannada Baraag Hurdaaye, Gal Dhagaweyne, iyo Tawar Mooge.

Ciidamada ayaa la wareegay goobo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, iyagoo sidoo kale degmada Xarardheere kasoo ruqaansaday.

Howlgalkan ayaa bartilmaameedsanaya firxadkii kooxda, waxaana ciidamada hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Jowle oo ku yaal masaafo dhan 20 km u jirta Tawar Mooge.

Ujeeddada ugu weyn ee howlgalladan waa in kooxdan laga saaro guud ahaan deegaanadaas si loo xaqiijiyo ammaanka gobolka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada guud ee xoreynta deegaannada hoos yimaada Xarardheere, oo horay ugu xirnaa kooxdan, taasoo fursad siinaysa ciidamada inay ku durkaan deegaanno kale oo muhiim ah.