Maalinta Cuntada Adduunka: Dhibaatada Cunto yarida iyo Xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed
Maalinta Cuntada Adduunka, oo la xuso 16-ka Oktoobar sanad walba, waxay ku beegan tahay maalintii la aas-aasay Barnaamijka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) sanadkii 1945. Munaasabaddan caalamiga ah ayaa loogu talagalay in lagu wacyigeliyo bulshooyinka caalamka ee ku saabsan muhiimadda cunnada, iyo sida looga hortagi karo cunto yaraanta, gaajada, iyo nafaqo-darrida ka jirta meelo badan oo dunida ah. Sidoo kale, xuskan wuxuu hoosta ka xariiqaa muhiimadda beeraha iyo sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka gudaha.
Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Dhibaatada Cunto Yarida.
Dhinaca kale, 16-ka Oktoobar sidoo kale waxaa loo aqoonsaday maalinta lagu xuso Beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara sugnaanta cunnada dalka. Beeraha Soomaaliya ayaa ahaa isha ugu weyn ee dalka uu cunto uga helayay sanado badan, iyada oo gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan, iyo Jubbooyinka ay ku caanbaxeen wax-soo-saar ballaaran oo kaalin weyn ka qaadan jiray amniga cunnada. Si kastaba ha ahaatee, beeraleyda Soomaaliyeed waxay weli la daalaa dhacayaan caqabado fara badan oo ay ka mid yihiin:
- Doorka Xukuumadda: Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay doorkeeda ku aaddan taageeridda beeraha. Ma jirto siyaasad qaran oo cad oo beeraleyda ka caawinaysa horumarinta wax soo saarka. Beeraleydu waxay la tacaalayaan dhibaatooyin sida helitaanka tababarro casri ah, qalabka wax soo saarka, iyo agabka beeraha, iyagoo inta badan ku tiirsan juhdiga gaarka ah ee bulshadooda.
- Saameynta isbedelka cimilada: Isbedelka cimilada oo sababay abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday ayaa si weyn u dhaawacay wax soo saarka beeraha. Tan ayaa horseedday hoos u dhac ku yimaada isku filnaanshaha cunnada dalka, iyadoo beeraha badankood aysan la qabsan karin cimilada beddalka ah oo aan saadaalin karin.
- Hoos u dhac ku yimid tirada beeraleyda: Tirada beeraleyda Soomaaliyeed ayaa hoos u dhacday sanadooyinkii u dambeeyay, taas oo ugu wacan dhulalka beeralayda oo noqday kuwo colaado iyo abaaro ku dhaceen, iyo dhalinyaradii oo u hayaamay magaalooyinka ama qurbaha si ay shaqo u raadsadaan. Tani waxay sii kordhisay dhibaatada wax soo saarka gudaha.
Xalka iyo Fursadaha Soomaaliya:
- Xoojinta Taageerada Beeraleyda: Dowladdu waa inay dejisaa qorshayaal istiraatiijiyadeed oo lagu horumarinayo beeraha iyo kaabayaasha ay u baahan yihiin beeraleyda. Tababarro farsamo iyo taageero dhaqaale ayaa muhiim u ah sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka cuntada gudaha.
- Dhiirrigelinta Ganacsiyada Yaryar iyo Greenhouse-yada: Waxaa loo baahan yahay in si gaar ah loo taageero ganacsiyada yaryar ee beeraha iyo hirgelinta Greenhouse-yada si kor loogu qaado wax-soosaarka, gaar ahaan meelaha ay saamaynta cimilada iyo xaaladaha colaadeed culayska ku hayaan.
- Ka-hortaga Abaaraha iyo Isbedelka Cimilada: Dowladdu iyo hay’adaha caalamiga ah waa inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo saamaynta isbedelka cimilada, sida soo celinta nidaamka waraabka iyo dhismaha kaydka biyaha.
- Dhiirrigelinta Suuqyada Maxalliga ah: Waxaa loo baahan yahay in la abuuro suuqyo furan oo beeraleyda Soomaaliyeed ay ku iibsan karaan wax-soosaarkooda, iyadoo la xoojinayo ganacsiga beeraha.
- Wada shaqaynta Dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah: Dowladda Soomaaliya waa inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo hubiyo in taageerada la siiyo beeraleyda ay tahay mid waxtar leh oo waqti dheer lagu shaqayn karo.
Gabagabadii, iyadoo Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo dhanka beeraha ah, haddana waxaa looga baahan yahay qorshe cad iyo taageero joogto ah si loo gaaro iskutashi cunnada ah oo dalka oo dhan laga hirgeliyo, taasoo si gaar ah u caawinaysa beeraleyda iyo bulshada ka soo barakacday abaaraha iyo colaadaha. Maalinta Cuntada Aduunka iyo xuska maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed waa fursad loo adeegsan karo in lagu baraarujiyo xaaladda cakiran ee dhinaca cunnada iyo wax soo saarka, iyadoo loogu baaqayo dowladda iyo hay’adaha inay gacan ka geystaan xal waara oo loo helo Soomaaliya.