U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay halka uu marayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishan ayaa weli sii wada wadatashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad gobolleedyada iyo dowladda Federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Shirka oo madaxda Qaranku ay diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab, dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta.

Sidoo kale Shirkaan ayaa looga hadlay fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Xukuumadda waxa ay sheegtay in uu sii socon doono wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-da bishan Oktoobar.