U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyey tirinta codadkii laga dhiibtay doorashooyinkii Somaliland oo gaartay heerkii ugu dambeeyay

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ay bilaabeen wajigii labaad ee isu gaynta codadkii laga dhiibtay doorashooyinkii dhacay 13-kii bishaan Nufeember.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse xasan Yuusuf ayaa sheegay in ay jiraan degmooyin aaney weli tirinta codadka ka bilaaban sababo la xiriira sanaadiiqda laga soo celinayay goobaha codka laga dhiibtay oo meelaha qaar dib u dhacay.

Wuxuu intaa raaciyay in degmooyinkaas maanta laga bilaabayo tirinta codadka sida qorshuhu yahay.

Waxaa uu sheegay in maanta lasoo gabagabayn doono tirinta codadka ka dibna lagu dhawaaqi doono natiijada saxda ah.

Muuse xasan Yuusuf ayaa mar kale ka digay dadka baraha bulshada ku baahinaya natiijooyin aan rasmi ahayn oo ku saabsan doorashada, isla markaana uu sheegay in ay wax u dhimi karaan habsami u socodka tirinta codadka.

Dadka tirooyinkaasi ku saabsan natiijada aan guddiga ka soo bixin baahinaya ayuu ugu baaqay in arrintaa ay joojiyaan si aaney Khalkhal u abuurin, lagana war sugo guddiga iyo xilliga ay shaaciyaan natiijooyinka rasmiga ah ee doorashadii madaxtooyada iyo tan ururada.