NISA oo gacanta ku soo dhigtay xubno ka tirsanaa Kooxda Alshabaab
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo la sheegay inay Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Isbitaalada & daryeelka bukaanada.
Labadan nin ee la soo qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Axmed oo Alshabaab u qaabilsanaa
Isbitaalada & daryeelka bukaanadooda la keeno magaalada.
Halka nin kale oo lagu magacaabo Keyse Faarax Xasan (Axmed Yare) uu yahay dhaqtar Alshabaab ka taageeri jiray daweynta bukaanadooda joogo
degmada Jilib, waxaana adeer u ah hoggaamiye sare oo kooxda Alshabaab ka tirsan oo lagu magacaabo , Xuseen Fiidow, sida ay NISA sheegtay.