Guddoomiyaha degmada Kaxda oo lagu soo rogay Xayiraad Safar
Sheeko:MAXKMAADDA GOBOLKA BANAADIR
Maxkamadda Gobolka Banaadir, Qeybta Ciqaabta, ayaa soo saartay amar xayiraad safar oo ka dhan ah Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Muqdisho.
Amarkan ayaa ku saleysan codsi ka yimid Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin falal dambiyeed kala duwan sida amar-gudasho la’aan, ku boorin dambi galid, iyo isku day qalqal gelinta degganaanshaha bulshada.
Maxkamaddu waxay fartay:
- Taliyaha Saldhigga Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay si toos ah u fuliyaan amarkan xayiraadda.
- In aysan jiri karin qof ama hay’ad u fasaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan inuu ka baxo dalka si kasta oo ay tahay.
Maxkamaddu waxay sidoo kale digniin adag u dirtay dhammaan dhinacyada, iyadoo caddeysay in amarada cadaaladda aan la dhayalsan karin, lana joojinayo faafinta wararka been abuurka ah ee qalqal gelinaya bulshada.