Booliska Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka Madaxa-Banaan oo ka shiray hanaanka Doorashooyinka qof iyo Cod
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Kulankan ayaa looga hadlayay kaalinta ay Boolisku ku leeyihiin sugidda amniga iyo xaqiijinta habsami u socodka Doorashada Qof iyo Cod ee la filayo inay ka dhacdo dalka.
Taliyaha ayaa caddeeyay in Booliska Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ka qeyb qaadashada sugidda amniga inta ay doorashadu socoto.
Waxa uu sheegay in ciidanka ay awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod-bixinta, ka hortagga wax kasta oo khalkhal gelin kara hanaanka doorashada, iyo xaqiijinta inay doorashadu ku qabsoonto jawi nabdoon.
Waxaa kulankan sidoo kale lagu lafaguray sida Boolisku uga shaqeyn doonaan taageeridda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo amniga si loo hubiyo in geeddi-socodka doorashada uu noqdo mid daahfuran oo hufan.